Booliska Soomaaliya oo sheegay in uu gacanta ku dhigay nin dilay xaaskiisii

Published: June 7, 2021

Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa shaaciyey in gacanta lagu dhigay eedeysane loo heysto in 4-tii bishaan uu xaaskiisii ku dilay degmada Warta-Nabadda ee gobolka Banaadir.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Sadiiq Aadan Cali ayaa Qoraal kooban ku sheegay in eedeysanahan ay iminka gacanta ku hayaan ciidanka Booliiska isla markaan la horgeyn doono Cadaaladda.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa hada gacanta ku haya eedeysane Bashiir Cabdi Xasan, oo horay xaaskiisii Salaado Faarax Cali ugu dilay Degmada Wartanabada ee Gobolka Banaadir 4tii- June- 2021,”

ayuu yiri Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa qoraalkiisa intaa ku sii daray.

“Eedeysanaha oo aan horay u baahinay in lagu magacaabo Bashiir Cali Jaamac. laakiin, aan ogaanay in magaciisa runta ah uu yahay Bashiir Cabdi Xasan, eedeysanuhu wuxuu wajahidoonaa Cadaalada, hadii alle idmo.”

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *