Qaramada Midoobay: “Waxaa jira Ciidamo Soomaali ah oo ka qeyb qaatay dagaalkii Tigrey

Published: June 8, 2021

Ergeyga gaarka ah Qaramada Midoobay ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in ay jiraan Ciidamo Soomaali ah kuwaasoo ka qeyb qaatay dagaalkii ka dhacay gobolka Tigrey ee dalka Ethiopia.

Ergaygan gaarka ah ayaa Warbixinta uu soo saaray waxa uu ku sheegay in ciidamo Soomaaliyeed oo tababar ku qaadanayay dalka Ereteriya laga raray xeryaha lagu tababarayey isla markaana la geeyey jiidaha dagaalka gobolka Tigrey.

“Wakiilka gaarka ah wuxuu helay macluumaad iyo warbixino sheegaya in askarta Soomaalida laga raray xeryihii tababarka militariga ee Eritrea lana geeyay jiida hore ee Tigreega, halkaas oo ay ku wehlinayeen ciidamada Eritrea markii ay ka gudbayeen Ethiopia soohdinta.

AYAA LAGU YIRI WARBIXINTA ERGAYGA

Warbixinta uu soo saaray Ergayga gaarka ah ee Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay ayaa waxa kaloo lagu sheegey in Ciidamo Soomaali ah lagu arkay meelo u dhow caasimadda labaad ee Tigray ee Aksum oo ka mid ah magaalooyinka gobolka Tigrey ee ay dagaaladu ka dhaceen.

Warbixinta uu baahiyay xafiiska Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay ayaa daba socda warbixino sheegaya in ay hubanti la’aan ay jiraan Ciidamo Soomaaliyeed oo ka qeyb qaatay dagaalka Tigrey kuwaasoo laga qaaday xeryo lagu tababaray oo ku yaala Asmara.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *