Waalidiin dowladda ka dalbaday in ubadkooda ay dib ugu soo celiso dalka

Published: June 10, 2021

Banaanbaxan oo ahaa mid ay dhigayeen Waalidiin sheegay in caruurtooda tababar loogu qaaday Eritrea ayaa ka dalbaday dowladda Federaalka Soomaaliya in dib loogu soo celiyo caruurtooda.

Waalidiintan Banaanbaxa dhigay ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin halku dhegyo ay ku dalbanayaan in ubadkooda nolol iyo geeri meel loogu sheego.

Banaanbaxa ayaa imaanaya iyadoo dhawaan warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ay ku sheegtay xogo la xiriira in ciidamo Soomaali ah oo tababar u joogay dalka Eritrea ay ka dagaalameen gobolka Tigrey ee dalka Itoobiya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *