Ciidamada Booliska Oo Gacanta Ku Dhigay Dad Dhalinyarada Dhoofin Jirey

Published: June 14, 2021

Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalo aay sheegeen in ciidamada amaanka ka sameeyeen magaalada Muqdisho lagu soo qabqabtay dad kala duwan.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Doodishe oo shir Jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka amaanka aay gacanta kuso dhigeen rag iyo haween uu sheegay iney dhalinyaro badan aay ka tahriibin jireen magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Booliiska ayaa intaasi ku daray in dadka aay ciidamada soo qabteen tiradoodu tahay 27 qof oo isugu jira rag iyo dumar, iyadoo 27 ruux 22 ka mid ah yihiin dumar waxaana dhamaantood lagu sheegay iney sifo sharci daro ah magaalada Muqdisho uga dhoofin jireen dhalinyaro farabadan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *