Madaxweyne Deni Oo La Kulmay Guddiga Dib U Habaynta Warbaahinta Dowlada

Published: June 14, 2021

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la qaatay Guddiga dib u habeynta nidaamka Warbaahinta Dowladda Puntland oo ka kooban khuburo Warbaahineed.

Madaxweynaha ayaa ka dhegaystay guddiga warbixin ku saabsan dib u habeynta warbaahinta Dowladda iyo talo-soojeedintooda la xiriirta sidii kor loogu qaadi lahaa hannaanka Warbaahineed ee Dowladda Puntland.

Kulanka waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Timacade iyo Wasiir ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdisalaam Siciid Faarax.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *