Hay’adda Gaalkacyo Eduction Center Oo Tartan U Qabatay Qaxootiga Iyo Barakayaasha Qardho

Published: June 21, 2021

Hay’adda Gaalkacyo Education Center ayaa tartan kubada cagta ah oo ay ka qeyb-galeen naadiyada qaxootiga iyo barakayaasha ku qabatay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa isdhexgalka dhalinyaradda iyo xuska maalinta Qaxootiga adduunka oo ku beegan 21ka Juun, waxaana tartanka oo kusoo dhamaaday jawi dagan afar iyo labo guushu ku raacday kooxda barakacayaasha.

Munaasabada abaalmarinta guuleystayaasha ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin ay kamid yihiin wasiir ku xigeenka wasaaradda haweenka Puntland, Sahro-kiin Cabdi Xirsi, Isku-duwaha wasaaradda haweenka gobolka Karkaar, Sahro Jaqanaf, Gudoomiyaha ciyaaraha gobolka Karkaar, Abdiqani Cartan iyo Saraakiil ka tirsan Hay’ada Gaalkacyo Education.

Khadro Cismaan oo ka tirsan Hay’ada Gaalkacyo Education Center ayaa sheegtay tartankan inay sanadkasta qabtaan ujeedadiisuna tahay sidii loo xoojin lahaa is-dhexgalka dhalinyarada qaxootiga ah.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda haweenka Puntland iyo masuliyiintii kale ayaa uga mahadceliyay hay’adda Gaalkacyo Education center sida ay markasta u garab taagan tahay bahda ciyaaraha, waxayna sheegeen in muhiimada ugu weyn ee tartankani uu ahaa isbarashada dhalinyarada kana muuqato kulanka galabta soo gabagaboobay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *