Gudiga Doorashooyinka Dadban oo doortay Gudoomiye kumeelgaar ah

Published: July 2, 2021

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari Muuse Geelle Faroole ayaa loo doortay xilka Gudoomiyaha kumeelgaarka ah ee Gudiga Doorashooyinka heer Federaal.

Kulan rasmi ah oo ay Muqdisho ku yeesheen Xubnaha Gudiga Doorashooyinka ayay ku shaaciyeen doorashada Gudoomiyaha.

Guddoonkaan cusub ee ku meel gaarka ah ayaa qorshihiisu yahay qaban qaabada iyo qabashada gudoonka guddiga Qaran ee hagaya doorashada.

Gudoonkaas la dooranayo ayaa masuuliyadda saaran ay tahay maareynta Howsha qaran ee diyaarinta & Hirgelinta doorashooyinka Xildhibaannada & Senatarada BFS ilaa wixii loo gaaro dhaarinta Mudanayaasha Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka markaas oo ay ka wareegeyso mas’uuliyadda Qaran ee loo xil saaray.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in iyada oo la dardargelinayo howlaha horyaalla ee hirgelinta Doorashooyinka in uu shaqadiisa bilaabay si aanay waqti badan u qaadan doorashada Guddoomiyaha & ku xigeenkiisa rasmiga ah.

Guddoomiyaha kumeelgaarka ah ee ay maanta doorteen Gudiyada Doorashooyinka Muuse Geelle Faroolle ayaa waxa uu dhisay Guddi ka kooban Shan Xubnood.

Gudoomiyaha ayaa qabanayaa araajida shaqsiyaadka ku tartamaya hoggaaminta oo la dooranayo 4-ta July 2021 oo ku beegan Maalinta Axadda ah.

Jadwalka Doorashada guud ee dalka oo horey loo shaaciyay ayaa la filayaa in lagu qabto wakhtigii loogu talagalay waxaana Gudiga Doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowladgoboleed ay sii wadi doonaan howlaha loo igmaday

Xubnaha Gudiyada Doorashooyinka Heer dowlad goboleed ayaa maalmaha soo socda u kala safri doonaan dowlad goboleedyada halkaas oo ay ka bilaabi doonaan howsha doorashada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *