Ehelada dhalinyaro lala’yahay muddo 13 bilood ah oo qeylaan u diray Dowladda Federaalka

Published: July 3, 2021

Waalidiinta iyo Ehelada dhalinyaro muddo 13 bilood ah la la’yahay ayaa ka dalbaday dowladda Federaalka Soomaaliya in raq iyo ruux meel loogu sheego dhalinyarada ay dhaleen.

Dhalinyarada oo ah labo wiil ayaa ka shaqeynayay waxsoo saarka beeraha Degmada Afgooye waxaana la sheegay in Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ay ka afduubteen beerahooda.

Waalidiinta iyo ehelada dhalinyaradan ayaa ugu baaqay masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda Federaalka in hadii wiilashooda ay u xiran yihiin laamaha Garsoorka Cadaaladda la marsiiyo hadii kalena geeri iyo nolol meel loogu sheego.

Waxa ay sheegeen in aysan xaq iyo cadaalad ahayn xirnaanshiyaha labadan dhalinyaro maadaama ay tiir adag u ahaayeen qoysaskooda ayna dhaleen caruur yaryar waxaana ay cod dheer ugu baaqeen dowladda in xoriyadooda dib loogu soo celiyo wiilashooda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *