Madaxweyne Guudlaawe Oo Muqdisho Lagu Soo Dhoweeyey

Published: July 8, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta lagu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho.

Madaxwaynaha waxaa garoonka diyaaradaha Aden Cadde International Airport ku soo dhaweeyey madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble, Wasiiro heer Federaal, Xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka JFS, xubnaha Golayaasha maamulka goboleedka Hir-shabeelle Gudoomiyihii hore Gobolka Banaadir dhalinyaro Haween, qaar ka mid ah Odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa maalmihii lasoo dhaafay safar shaqo ku joogay dalka Turkiga, halkaas oo uu kula kulmay masuuliyiinta Turkiga iyo jaaliyadda Soomaaliyeed.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *