Muqdisho: Booliska Oo Ka Hadlay Khasaarihii Ka Dhashay Qaraxii Lala Eegtay Taliyaha Gobolka Banaadir

Published: July 10, 2021

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ayaa ka hadlay Qarax Is-miidaamin ah oo barqanimadii Maanta ka dhacay meel ku dhow Isgoyska Banaadir ee degmada Hodan, kaas oo jugtiisa si weyn looga maqlay Caasimadda Muqdisho.

Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Doodishe ayaa sheegay in qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu weeraray gaadiid uu la socday taliyaha guud ee ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole, xili uu marayay wadada aada dhinaca Xarunta Villa Baydhabo.

Afhayeenka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxa uu ka badbaaday Taliye Farxaan Qaroole oo bartilmaameedku ahaa uuna wanaagsan yahay, isla markaana uu jiro khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah.

Sadiiq Doodishe ayaa xaqiijiyay in qaraxa Is-miidaaminta ahaa ay ku geeriyoodeen 4 ruux oo shacab ah, halka 9 qof kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo la dhigay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Magaalada, si loogu daaweyo.

Isaga oo sii hadlaayay Afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Doodishe ayaa Carabka ku dhuftay in marnaba weerarada ka dhacaya Caasimadda dalka ee Muqdisho aysan ka hor istaagi doonin shaqooyinka ay u baahan shacabka iyo kuwa lagu sugayo amniga.

Al-shabaab oo ka hadashay Mas’uuliyada qaraxii Maanta ka dhacay Muqdisho ayaa sheegtay in qaraxa oo Is-miidaamin ay la beegsadeen Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Qaroole, hayeeshee uu qaraxu ka badbaaday, ayn waxyeelo soo gaartay dad shacab ah oo wadada marayay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *