Ra’iisul Wasaare Rooble oo kormeeray Xeryaha Ciidanka Garbahaarey

Published: July 11, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho uu ugu kuur-geliyey baahiyaha ciidanka kugu tagey Ciidanka Xoogga ee ku sugan Garbahaaray ayaa ku boggaadiyey difaaca dalka iyo howlgallada ay ku beegsanayaan kooxaha argagixisada.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ka warbixinayay socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ee gobolka Gedo ayaa sheegay in Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobalka Gedo, halkaasi oo ay soo dhaweeyeen shacab iyo maamul.

Afhayeenka ayaa hoosta ka xariiqay in socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ay qeyb ka tahay safaro uu ku mari doono Gobollada ay doorashada ka dhacayaan oo ay magaalada Garbahaarey qeyb ka tahay, waxaana uu Ra’iisul Wasaaraha uu dhagax dhigay garoonka kubadda cagta ee degmada oo dib u dhis lagu sameyn doono.

“Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu soo booqday xerooyinka ciidamada, halkaasi oo uu saraakiisha warbixin uga dhageystay, isla markaana uu salaam ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada, inta uu joogo Ra’iisul Wasaare Rooble waxa uu kulamo kala duwan la yeelan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolka ku dhaqan, gaar ahaan Garbahaarey oo uu kala hadli doono arrimaha dib u heshiisiinta iyo sidii doorashada ay uga dhici lahayd”. Ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *