Jubaland oo saluug ka muujisay safarkii Ra’iisul Wasare Rooble uu ku tagay deegaanadeeda

Published: July 12, 2021

Maamulka Jubaland ayaa sheegay in wax natiijo ah oo la taaban karo aysan kasoo bixin safarkii uu Ra’iisul Wasaare Rooble ku tagay magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarey.

Xildhibaan Axmed Ismaaciil oo kamid ah Baarlamaanka Jubaland kuna matala Gobolka Gedo ayaa sheegay in aysan wax ku ool ah kasoo bixin safarka uu Ra’iisul Wasaaraha kutagay Jubaland.

Jubaland ayaa marti gelisay afar maalmood oo Ra’iisul Wasaare Rooble uu ku maray magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarey oo ka kala tirsan Gobolada Jubada Hoose iyo Gedo.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo muddo sadex maalmood ah ku sugnaa magaalada kismaayo ayaa kulamo la qaatay Madaxda Jubaland oo ay kawada hadleen arimo la xiriira arimaha doorashooyinka isagoona intaa kadib u safray magaalada Garbahaarey oo uu habeen ku hoyday kadibna ku laabtay Muqdisho.

Rooble ayaa la filayay in uu halkaasi ka bilaabo kulamo la xiriira khilaafka u dhaxeeya Gobolka Gedo iyo Dowlad Goboleedka Jubaland hase ahaatee waxaa muuqan waan waan laga galay arintan iyo haba yaraatee natiijo kasoo baxday.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *