Guddiga Doorashooyinka Jubaland Oo Baaq U Diray Musharaxiinta Aqalka Sare

Published: July 16, 2021

Guddiga hirgalinta doorashooyinka Jubbaland, ayaa maanta qabtay war-saxaafadeed ay ku sharraxayaan halka ay wax marayaan iyo shaqooyinkii u qabsoomay muddadii uu guddigu jiray.

Guddiga ayaa soo saaray qodobo dhowr ah, waxayna sheegeen in doorashadu wakhtigii loogu talagalay ku qabsoomi doonto, iyagoo sidoo kale farriin u diray Baarlamaanka maamulkaasi Jubbaland, taasi oo ku aaaddan in ay Magacaabaan Guddi doorasho heer Baarlamaan si ay u fududaato howsha Doorashadu.

Sidoo kale waxaa ay farriin u direen musharxiinta doonaysa in ay u tartamaan kuraasta aqalka sare, Waxaana loogu baaqay in ay isku diyaariyaan doorashda.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *