Digniinta ay Midowga Murashaxiinta kasoo saareen dib u dhaca kale oo ku yimaada Doorashada 2021

Published: July 19, 2021

Golaha midowga musharrixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shir ay isugu yimaadeen Axadii shalay kasoo saaray War-saxaafadeed ay uga digayaan dib u dhaca cusub oo ku yimaada doorashada dalka iyo xaaladaha cakiran ee ka taagan guddiyada la magacaabay.

Murashaxiinta ayaa walaac ka muujiyey in saan saanta dib u dhaca ku yimaada doorasho xor iyo xalaal ah oo wakhtigeeda ku dhacda, iyagoo ka digay in si khaldan loo maareeyo qodobada aan weli la xalin gaar ahaan xiisada ka dhex taagan guddiga doorashada ee qaabilsan xildhibaanada ka imaanaya Somaliland, xaalada gobalada Gedo & Hiiraan iyo inaan la dhameystirin dhaqaalihii loogu talo galay doorashada.

Murashaxiinta ayaa dhinaca kale wel wel ka muujiyey farogelinta ay sheegeen inuu arrimaha doorashado ku hayo Madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *