Guddiga hirgellinta doorashada K/G Oo Lagu Wareejiyey Qalabka Doorashada

Published: July 28, 2021

Guddiga hirgelinta doorashooyinka dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah lagu wareejiyay qalab loo adeegsanayo qabashada doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare.

Xafiiska UNSOM ee Magaalada Baydhabo ayaa qalabka ku wareejiyay Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed, waxana qalabka ku jira sanaadiiqda Codbixinta Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Guddiga ayaa Xafiiska UNSOM uga mahadceliyay qalabka ay ku wareejiyeen, isla markaana sheegay in sanaadiiqda Codbixinta loo adeegsan doono Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare oo maalmaha soo socda la filayo in lagu qabto halkaas.

Waxaa dib u dhac ku yimid qabashada doorashada Aqalka Sare oo lagu waday inay dhacdo 25-ka bishan July 2021, waxaana maalinta berri oo khamiis ah lagu wadaa in Kismaayo lagu qabto doorashadii ugu horreeysay ee Aqalka Sare.

Horseed

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *