China oo xiriir la sameysatay Talibanka Afghanistan

Published: July 30, 2021

Wafdi heer sare ah oo kasocda Talibanka ayaa Arbacadii gaaray dalka Shiinaha halkaasi oo uu wadahadal uga bilowday.

Wafdigan oo uu hormuud u yahay hogaamiyaha dhanka siyaasada ee Talibanka Mullah Abdul Ghani Baradar ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibada ee China Wang Yi iyo xubno kamid ah dowlada China.

Shiinaha ayaa xiriirkan tooska ah la sameystay Talibanka, xili lagu wado in Maraykanka uu gebi ahaan ciidamadiida kala baxo dalka Afghanistan.

Talibanka ayaa bilihii lasoo dhaafay dardar geliyey hawlgaladooda, iyagoo la wareegay gacan ku heynta inta badan wadankaasi Afghanistan.

China ayaa dhinaca kale dooneysa inay illaalsato maalgashiga mashaariicda ay ka fulisay Pakistan oo ay jaar yihiin dalka Afghanistan, kooxaha Talibanka gacan saarka laleh ayaa horey weeraro ulla beegsaday mashaariicda China ka wado gobalkaasi.

Masharuuca  China-Pakistan Economic Corridor (CPEC) ayaa ah mid shiinaha lacag badan geliyey iyagoona doonaya in masharuucaasi ay gaarsiiyaan dalka Afghanistan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *