Maxamed Mursal oo kulan la yeeshay guddiga xaqiijinta qoondada haweenka

Published: August 4, 2021

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka wakhtigiisa dhamaaday ee Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa kulan la yeeshay guddiga xaqiijinta qoondada haweenka ee golayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa warbixin ka dhageystay xubnaha guddiga oo ay hoggaamineysay Marwo Batuulo Sheekh Axmed oo ah guddoomiyaha guddiga, waxaana kulanka ka qeybgalay wasiirka wasaaradda haweenka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya marwo Xaniifa Maxamed Xaabsade.

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa bogaadiyey shaqada wanagsan ee ay hayaan guddiga, waxaana uu ku biiriyey tallooyin ku saabsaan sida lagu xaqiijin karo qoondada haweenka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *