Guddiga Doorashooyinka FEIT oo soo saaray Habraaca Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka

Published: August 17, 2021

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ( FEIT ) ayaa soo saaray Habraaca Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga ayaa Awoodda soo xulista Ergada siiyay Odayaasha dhaqanka Beelaha iska leh kuraasta Xildhibaanada iyo ururada Bulshada Rayidka.

Sidoo kale Guddiga ayaa shuruud uga dhigay Beeshii kasta ee iska leh 3 kursi in mid kamid ah lasiiyo haweenka Beesha si looga dhabeeyo Qoondada Haweenka.

Guddiga ayaa lacagta isdiiwaangelinta Musharixiinta Ragga ah gaarsiiyay lacag dhan $10,000 Doollar halka haweenka musharrixiinta ah la gaarsiiyay $5,000 Doollar.

Hadaba Hoos ka akhriso habraaca oo dhameystiran.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *