Madaxweynaha Puntland Oo Lagu Soo Dhoweeyey Muqdisho

Published: August 21, 2021

Madaxweynaha Dowlada Puntland Siciid Cabdulalahi Deni ayaa goordhaweyd gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, xili la filayo in saacadaha soo aaddan uu si rasmi ah u bilowdo shirka golaha wadatashiga qaran.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu soo dhaweyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana uu noqonayaa madaxweynihii ugu dambeeyay ee Muqdisho soo gaara, xili dhammaan mas’uuliyiinta ka qayb galaysa shirka ay dhammaantood Muqdisho soo gaareen.

Shirka golaha wadatashiga qaran ayaa ka furmaya Teendhada Afisyooni, waxaana ka qayb galaya Raysalwasaaraha xil-gaarsiinta ee dowladda federaalka, madaxweynayaasha maamul goboledyada iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirka ayaa looga arrinsanayaa waxyaabihii ka qabsoomay heshiiskii doorasho ee ay gaareen madaxda iyo caqabadaha weli u baahan in la xaliyo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *