Guddigii Uu Magacaabay Rooble Oo La Kulmay Madaxa Ciidamada AMISOM

Published: August 22, 2021

Guddi uu raysal wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble u saaray baaritaanka dad rayid ah ayaa la kulmay safiirka Uganda ee Soomaaliya iyo taliyaha ciidamada AMISOM.

Kulankan oo ah kii ugu horeeyey ee ay yeeshaan guddiga iyo Amisom ayaa looga hadlay sidii ay cadaalad u heli lahaayeen dadkaasi rayidka ah ee lagu laayey deegaanka Golweyn.

Wasiirka cadaaladda Soomaaliya, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu guddiga baaritaan ku ogaaday in toddobo qof ay dileen ciidamada midowga afrika ee AMISOM

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *