Farmaajo oo daahfuray Guddi turxaanbixiya Afka Soomaaliga

Published: August 23, 2021

Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaaday ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay munaasabadda lagu howl-gelinayo Guddiga 4-aad ee Afsoomaaliga waxaana uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay turxaan bixinta, ilaalinta iyo horumarinta afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, maadaama ay udub dhexaad u yihiin midnimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo dul istaagay halgankii dheeraa ee loo soo maray qaabeynta iyo qoridda Afsoomaaliga ayaa ka warbixiyey tallaabooyin hortebinta leh ee ay dowladdu u qaadday dhanka horumarinta afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.

“Ummadda Soomaaliyeed waxa ay ku suntan yihiin dad ku adag afka iyo dhaqankooda, halka dalal badan oo dunnidii la gumeystay ka mid ah laga beddeley afkoodii iyo dhaqankoodii. Afku waa dhaxalka ugu qiimaha badan ee ay jiilal isu gudbiyaan, waana ammaano ay tahay inaan ilaalinno oo horumarinno.”

Farmaajo ayaa xusay in hirgelinta farta Soomaaliga lagu bixiyey dadaal, maskax iyo maal badan, waxa uuna kula dardaarmay Guddiga Afsoomaaliga in ay sii ambaqaadaan dadaalladaas, hormuudna ugu noqdaan ummadda Soomaaliyeed horumarinta iyo adeegsiga Afsoomaaliga.

“Dowladdu waxay dadaal badan ku bixisay sidii loo horumarin lahaa afka, dhaqanka iyo suugaanta. Taas oo aannu ka soo bilowney inaannu dib usoo celinno goobihii lagaga shaqayn lahaa hirgelinta iyo horumarintooda, oo Tiyaatarka aynu maanta joogno ka mid yahay, Madxafkii Qaranka oo aanu isna dib u dhisnay”

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *