Digniino laga soo saaray Qaraxyo laga cabsi qabo in ay ka dhacaan Muqdisho

Published: August 25, 2021

Hay’adaha Amaanka ee deggan Xerada Xalane ayaa digniino kasoo saaray qaraxyo laga cabsi qabo in ay ka dhacaan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Rag isku soo xiray iyo gaadiid qaraxyo ay ka buuxaan ayaa la sheegay in ay ku jiraan gudaha magaalada Muqdisho, labada maalin ee soo socota ayaana cabsi xoohgan laga muujinayaa in ay qaraxyo dhacaan.

Sida digniintu ay sheegayso Hotelada, Maqaayadaha iyo goobaha dadweynuhu ay isugu yimaadaan ayaa suurtagal tahay in qaraxyadu ay ka dhici karaan iyadoona dadweynaha la faray in muujiyaan feejignaan dheeraad ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *