Gudoomiye Mursal: “Ansax maahan Dhaarinta Wasiirada cusub hadaan la marin Baarlamaanka

Published: September 9, 2021

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka wakhtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay Dhaarinta la dhaariyay Wasiirka Amniga gudaha ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Qoraal uu soo saaray Gudoomiye Mursal ayaa waxa uu tibaaxay in shaqada dhaarinta iyo ansixinta Wasiirada cusub uu leeyahay Golaha Shacabka sida uu qabo dastuurka, isla markaana dhaarintii maanta dhacday aanay waafaqsanayn dastuurka iyo shuruucda dalka sida uu hadalka u dhigay.

Mudane, RW si aad ula socoto, Dhaarinta xubnaha golaha wasiiradda Xukuumadda Federaalka lagu hor-dhaarinayo golaha shacabka ma aha keliya dhaarmarin waxay iskugu jirtaa Ansixin iyo dhaarin, si xubnaha ay xilalkooda xaafiiseed rasmi ahaan ugu bilaabi karaan shaqada, Dhaqan ahaana haddii kalfadhiga furan yahay kulanka guud ee golaha ayaa lagu ansixiyaa laguna dhaariyaa, Haddiise u kalfadhiga Goluhu markaa xiran yahayna waxaa lagu ansixiyaa lahuna hor dhaariyaa guddiyada joogtada ah oo ka wakiil ah golaha shacabka”

ayuu yiri gudoomiye mursal.

Qeyb kamid ah Qoraal uu soo saaray Gudooomiye Mursal ayuu ku sheegay in dalka uu ka jiro Baarlamaan shaqeynaya, ayna muhiim tahay Ra’iisul Wasaaraha uu ka baaraan dago arimaha ceynkan oo kala ah si dhaarinta iyo ansixinta Wasiirada cusub ee la magacaabayo.

Hoos ka akhriso Qoraalka oo dhameystiran.

K

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *