Halkee marayaan dadaalada loogu kala dabqaadayo Farmaajo iyo Rooble

Published: September 11, 2021

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo muhiim ah Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in kulan toos ay yeeshaan Madaxweynaha xilhayntiisu dhamaatay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Raysal Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, kadib maalmo adag oo khilaafka u dhaxeeya labada masuul uu gaaray heerkii ugu sareeyay.

Dadaallo iyo Waanwaan ay wadeen Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug iyo Koonfur galbeed ayaa u muuqda in natiijo wanaagsan iyadoo 48-dii saac ee lasoo dhaafay ay ku howlanaayeen isu keenidda labada masuul.

Kulamadii ugu dheeraa ayay xalay Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo wadajir ah la yeesheen Ra’iisul Wasaare Rooble iyadoo ilo wareedyo aan helnay ay sheegayaaan in Rooble uu ku adkeystay talaabooyinkii uu qaaday hase ahaatee ay jirto dabacsanaan la xiriirto in la wada hadlo.

Isbedellada laamaha amaanka ayaa ah qodobada diiradda lagu saari doono kulanka hadii uu qabsoomo.

Wixii warar ah ee soo kordha kala soco HM

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *