Madaxweynaha Puntland Iyo Wakiilka UNSOM Oo Ka Wada Hadlay Qabsoomida Doorashada

Published: September 26, 2021

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay, ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka midyihiin Midowga Europe, Midowga Africa iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya  Per Lingarde .

Madaxweynaha iyo Wakiilada Beesha Caalamka ka socday ayaa ka wada hadlay arrimaha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, sida doorashada taariikhiga ah ee Puntland ka dhacaysa ee hal cod iyo hal qof, doorashada Soomaaliya iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda Puntland.

“Wuxuu ahaa kulan muhim ahaa oo kusoo aaday wakhti ku haboon, marxaladda cusub ee Puntland gashay oo doorasho hal qof iyo hal cod ah u dareertay” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

James Swan Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo hoggaaminayay wakiilada ka socday Beesha caalamka, ayaa dadka reer Puntland iyo Shacab ugu hambalyeeyay hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, oo maanta ololihii ururadda siyaasadda ka bilowday Qardho, Ufeyn iyo Eyl, degmooyinkaasi oo 25-ka October 2021 ay ka dhici doonto doorasho hal qof iyo hal cod ah.

Kulanka waxaa sidoo kale looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya sida amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha, waxaana Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wakiillada Beesha Caalamka ay si qota dheer uga wada hadleen sidii xal looga gaari lahaa caqabadaha Doorashada Soomaaliya.

“Waxaan aad xoogga u saarnay sidii xal looga gaari lahaa sidii ay u qabsoomi lahayd Doorasho ku dhacda Jawi degan, oo nabdoon oo laga gudbo dhammaan caqabadaha hadda hareeyay ee hortaagan, caqabadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee jira iyo kuwa farsamo ee imaan kara ama taaganba, waxaan aad u rajeynaya in dalka Soomaaliya hore u tallaabsan doono, doorashadana wakhtigeeda ay noqon doonto hadii alle idmo , caqabadaha jirana runtii dadka Soomaaliyeed iyagoo kaashanaya beesha caalamka ee ay qaybta ka yihiina , ay xallin doonaan hadii illaahay idmo si hore loogu socdo. Waxaan rajeynaya in Isbedelka dadka Soomaaliyeed ay sugayaan iyo deganaansho nabad u horseeda inuu abuurmi doono hadii alle idmo” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xgeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Wasiirada Wasaaradaha Qorsheynta, Arrimaha Gudaha iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *