Midowga Musharixiinta: Waxaan aad uga xunnahay falalka guracan ee lagu Raafayo dad Soomaaliyeed

Published: October 6, 2021

Golaha Midowga Murashixiinta ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay talaabada uu maamulka somaliland dadka uga soo raafayo magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharixiinta ayaa lagu sheegay in falkaa gurracan uu dhaawacayo walaalnimada, ehelnimada iyo ummadnimada ka dhaxaysa dadka Soomaaliyeed.

Golaha ayaa ugu baaqay culimada, odayaasha,dhaqanka, aqoonyahanka iyo indheergaradka ka soo jeeda Somaliland in ay hor istaagaan falalkan lagu beegsanayo dadka Soomaaliyeed ee kasoo jeeda Koonfurta iyo Bartamaha dalka.

Hoos ka akhriso Warsaxaafadeedka

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *