Faah-Faahin: Xukunkii Maxkamada Caalamiga ah ee xaduuda Badda Soomaaliya iyo Kenya

Maxkamada Caalamiga ah ee ICJ ayaa maanta ku dhawaaqday go’aanka Kiiska Xaduuda badda oo ay isku heysteen dalalka Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo maxkamada xukuntay in Xaduuda Soomaaliya waafaqsan tahay sharuucda Caalamiga, iyadoo gebi ahaan la diiday doodii Kenya ee ku saabsaneyd qaabka ay u xariiqatay Xaduuda.

Maxkamada oo diiday doodii Kenya, balse wax ka bedal ku sameysay xadka badda Soomaaliya & Kenya:

1- Dhamaan Garsoorayaasha Maxkamada ayaa diiday doodii Kenya oo ahayd inuu Heshiis horey u dhexmaray Soomaaliya iyo Kenya ee dhinaca xaduuda badda ah.

2- Dhamaan Garsoorayaasha Maxkamada ayaa isku raacay in Xaduuda labada dal laga belibaayo xariiqinta ku qeexan qaabka Soomaaliya ku dooday iyadoo la raacayo sharuucda caalamiga ah.

3-Dhamaan Garsoorayaasha Maxkamada ayaa isku raacay xaduuda qaabkaas u soconeyso illaa laga gaarayo xadka 200mile ee EEZ.

4- 10 Garsoore ayaa isku raacay in marka la gaaro wixii ka danbeeya xaduuda 200mile gudaha badda, xaduuda yara loo weecin doono dhinaca waqooyi ee Soomaaliya illaa laga gaarayo xaduuda Qalfoofka qaarada. Sida ku cad Sawirka Hoose:

Waxaa go’aankan kasoo horjeestay 4 Garsoore oo uu ku jiro Garsooraha kasoo jeeda Soomaaliya Dr.Cabdiqawi Yusuf.

5- 9 Garsoore oo uu ku jiro guddoonka ayaa isku raacay in xadeynta cusub ee Maxkamada ICJ lagu dabakhi doono illaa laga gaarayo xaduuda Qalfoofka Qaarada ee labada dal u dhaxeysa. Waxaa go’aankan diiday 5 Garsoore oo uu ku jiro Garsoore Dr.Cabdiqawi Yusuf.

5 Garsoore oo uu ku jiro Garsooraha Soomaaliyeed ee Cabdiqawi Yusuf ayaa iyagu taageeray doodii Soomaaliya in loo daayo Xaduuda qaabka ay hada tahay. Garsoore Cabdiqawi iyo xubnaha kasoo horjeestay in xaduuda wax laga bedalo ayaa iyaga qoraal gaar ah soo saaray oo ku lifaaqan xukunka Maxkamada.

Inkastoo guusha inta badan ay raacday Wadanka Soomaaliya ayaa hadana qodobada 4aad iyo 5aad uu Kenya siinayaa qeyb yar oo kamid ah biyaha la isku heystay.

Xalkan ayey Maxkamada sheegtay inuu waaqfaqsan yahay sharuucda Caalamiga ah ee xalinta murranada xaduuda badda qodobkiisa 74aad iyo 83aad.

Kenya waxaa laga diiday doodeedii ahayd in go’aanka loo xukumay Soomaaliya ay saameyn ku yeelan doonto kaluumeysata reer Kenya gaar ahaan kuwa ku nool degmada Lamu, arrintaasi oo ay Maxkamada sheegtay in Kenya aysan wax cadeyn ah arrintaasi uhayn, go’aankana uusan saameyn ku yeelan doonin qaabka ay hada u noolyihiin bulshada ku kala nool labada dhinac ee xaduuda.

Maxkamada ayaa dhanka kale ka diiday Soomaaliya dacwadooda ah in Kenya ullakac ay u sameysay xadgudubka Xaduuda, isla markaana ay Soomaaliya ka dooneyso dowlada Kenya inay kusoo wareejiso dhamaan xogtii laga helay sahminta badda dhinaca Soomaaliya loo xukumay.

Inta badan Garsoorayaasha ayaa isku raacay in Kenya aysan ullakac ugu xadgudbin xaduuda, maadaama aysan horey maxkamada u qeexin xaduuda labada dal ee ahayd mid labada dhinac isku heystaan.

Kenya ayaa joojisay 2015 dhamaan hawlihii ay ka waday biyaha la isku heystay ee dhinaca sahminta shidaalka iyo Gaaska.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave A Reply

Reader Interactions

Comments

  1. Shamso ali says

    Chapter 7,  waxaa lugu talagalay dalalka ka mid ah qaramada midoobey ee la aminsanyahay ineey lid ku yihiin nabada guud ee aduunwynaha intiida kale.

    Waxaana gar wadeen ka ah golaha amaanka waxaana ka qeyb gala dalalka kale ee iyaguna qeyb ka ah qaramada midoobay, tusaale ciidanka mareykanka iyo kuwii  belgium ahaa  oo joogay dalka horantii 90kii waxeey dalka ku jogeen chapter 7, wakhtigaana waxaa jirey kooxo iska soo horjeeda oo ku dagaalamayey magaalada muqdisho dhexdeeda dalkuna wuxuu ahaa dawlad la’aan, maantase dalku wuxuu leeyahay dawlad federal ah oo dalka ka masuul ah taas oo leh wax ale iyo wixii dawlad lahaan laheyd sida ciidan ku filan ineey sugaan nabada iyo amaanka dalka.

    Su’aasha hadaba isweydiinta mudane waxeey tahay maxeey golaha nabada iyo amaanka ururka afrika u rabaan in chapter 7 dalka somaliya lagu soo rogo? Marka dawlada federalka ihi afartii sano ee la soo dhafay ka codsanayeen ururka afrika ciidanka amisom in ay dalka ka qulqulaan iyagoo howshii ay dalka u hayeen ciidanka qaranku qaban doono, madama maanta dagaalada lugula jiro kooxda argigixisada alshabaab boqolkiiba 98%  ay qabtaan ciidanka kala duwan ee xooga dalka somaliyeed, meesha ciidanka amisom inta badan ku sugan yihiin xeeriyonkooda sida xerada xalane iyo xeerada balidoogle qeyb ka mida ah,iyo wixii kalee la mid ah.

    Dad badan oo wax ma garata ayaa aminsan sababta ururka afrika golaheeda nabadu iyo amaanku u rabaan in dalka somaliya loogu soo rogo chapter 7  ineey tahay si dhaqaale joogta loogu helo ciidanka amisom lakiin anigu waxaay ila  tahay ineey tahay  ” nin baa badida kula deydeya oo aan rabin in aad hesho abidkeede” taas oo macnehedu yahay aduunweynuhu waxeey u barteen qaar danle’ey ah oo hadafkoogu ahaa maxaan cunaa? maantase waxaa jooga qaar leh ” waxaan  door bidnay inaan marnaba qadan gunimo dhereg leh aanse ka doorano gobinimo gaajo  leh ” .

    Anigu waxaan qabaa in Ciidanka amisom  loba  bahneen  madama ciidanka qaranku u maanta dhismay.

    Waxanaan soo jedin lahaa Chapter 7ka ururka afrika/ Amisom  la wareegayaan in dalka somaliya lagu soo rogo bal ineey horta dalalka ay ka soo jeedan  ku dayaan ineey qataan iyo inkale?….kkk.