Madaxweynaha Hirshabelle oo gaaray Muqdisho

Published: October 13, 2021

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe, Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si wayn loogu soo dhoweeyay Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan cade Airport kusoo dhoweeyay Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, qaar kamid ah Senatorada cusub ee dhowaan lagu doortay Magaalada Jowhar, Xildhibaano Golaha Shacabka,  Xubno isugu jira labada gole ee Dowlada Hirshabeelle, Siyaasiyiin, Bahda fanka iyo boqolaal dadweyne ah.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ka mahadceliyay soo dhoweeyntii diiraneyd ee loo sameeyay isagoo u mahadceliyay dhamaan dadkii soo dhoweeyay

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *