Muuse Biixi “OCHA waxay ka hadashay wax aan dan u ahayn shacabka Laascaanood laga raray

Published: October 17, 2021

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dhacdadii uu maamulkiisu dadka uga raafay magaalada Laascanood ee xarunta gobolka Sool isagoona eedeyn u jeediyay Hay’adda OCHA ee Qaramada Midoobay.

Biixi oo maanta meel Fagaare ah ka hadlayay ayaa ku eedeeyay OCHA in aanay ka hadlin wax dan ah u ah shacabka Laascaanood raray isagoona difaacay go’aanka masaafurinta dadka rayidka ah.

“Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa qaybta la yidhaahdo OCHA waxaan filayaa wixii ay ku hadleen in aanu dan u ahayn dadka Laascaanood laga raray, waxay yimaadeen iyagoo qaxoonti ah oo caydh ah maalin qudha booyad biyo ah may siin, maalin qudha bac may siin, maalin qudha kiniin kaneecada ay iskaga ilaaliyaan may siin, soddonkaas sano maxay ku darsadeen? maxay u qabteen hadday OCHA ka naxayso dad qaxooti ah? maxay meel ugu sameyn waayeen? maxay u gargaari waayeen? OCHA maxay maanta u qaylisay? waa laba wajiilenimada jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa, dadkayaga aanu Laascaanood ka rarayno in lacag lagu doono waa ku ceeb Qaramada Midoobey”

ayuu yiri muuse biixi

Hase Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland ayaan ku dheeraan ka hadalka dhacdada masaafurinta uu maamulkiisa kula kacay dadka kasoo jeeda koonfurta dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *