Madaxweyne Deni oo ka digay in la dhiso Goleyaal Siyaasadeed

Published: December 20, 2021

Madaxweynaha Puntand Saciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in doorashooyinka dalka ka socda ay yihiin kuwa aan dhinac looga wareegi Karin islamarkaana ay saldhig u yihiin nidaamkii xukunka ee soo bilowday sanadkii 2000.

Madaxweyne Deni ayaa ka digay in la dhiso golayaal siyaasadeed oo dalka u keeni kara qalalaase dagaal, dibna ugu celin kara Teendhadii Carta taasoo uu sheegay in ay khatar tahay.

Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la saxo khaladaadka ka jira doorashada xildhibaanada Golaha shacabka ee socda.

Hadalka Madaxweyne Deni ayaa kusoo aadaya, xilli Midowga musharixiinta ay sheegeen in ay dhisayaan gole siyaasadeed hadii aan wax laga qaban boob ay sheegeen in uu hareeyay doorashad Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *