Midowga Murashaxiinta oo Farmaajo ku eedeeyey Khiyaano Qaran uguna baaqay inuu baneeyo Villa Soomaaliya

Published: December 28, 2021

Golaha Midowga Murashaxiinta oo qoraal soo saaray ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Farmaajo in uu isku dayey inuu awood ciidan xukunka kula wareego.

Maxamad C/laahi Farmaajo wuxuu isku deyey in uu ciidan ku qabsado hay’ado madani ah oo dastuuri ah. Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu dalbanayaa in baaritaan lagu sameeyo, dacwadna lagu soo oogo Farmaajo iyo intii kale ee ku gacansiisay afganbiga.

Goluhu wuxuu kaloo dalbanayaa in uu Farmaajo degdeg u banneeyo Villa Somalia sida ugu dhaqsaha badan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *