RW Rooble Oo Guddi Baaris U Saaray Dhacdadii 27/December

Published: January 2, 2022

Raysal wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlada federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay guddi baaris oo ka kooban shan wasiir u magacaabay dhacdadii 27-ka December uu ku sheegay in looga hor-staagay xafiiskiisa, taasi oo uu ku tilmaamay afgambi.

Wasiiradaan ayaa kala ah:

1- Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka gaashaandhigga—Guddoomiye.

2- Cabdullaahi Maxed Nuur Wasiirka Amniga Gudaha.

3- Cabdullaahi Abuukar Xaaji – Wasiirka Waxbarashada.

4- Gen Bashiir Maxamed Jaamac, Wasiirudowlaha Hawlaha Guud.

5- Cabdixakiim Xasan Ashkir, Wasiirudowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha.

Raysal Wasaaraha ayaa faray Xubnaha Guddigaan in ay baaristooda ku soo gabagabeeyaan muddo todobaad ah.

Khilaafka Raysal Wasaaraha xil-gaarsiinta iyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya ayaa cirka isku shareeray kadib markii uu Farmaajo shaqadii ka joojiyey Rooble.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *