Guddigii Gurmadka Abaaraha ee uu magacaabay R/W Rooble oo bilaabay qeybinta kaalmo lacageed

Published: January 5, 2022

Guddigii Gurmadka Abaaraha ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa bilaabay qeybinta qoondadii lacageed ee Dowladdu ugu talo gashay gurmadka abaaraha.

Guddiga oo ay guddoomiye u tahay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta gargaar  lacageed oo loogu talo galay dadka abaaruhu saameeyeen  ku wareejiyay Dowlad-goboleedyada dalka .

Munaasabadda wareejinta qoondadan oo ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa  ka soo qeyb galay Wasiirrada Gargaarka ee Dowlad-goboleedyada, iyadoo ay goobjoog ahaayeen xubnaha Wasiirrada ah ee Guddiga Gurmadka abaaraha.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka hadashay munaasabaddii qeybinta qoondada lacageed ee dowladdu ugu talo gashay gurmadka abaaraha.

Sidoo kale Wasiir Wasiirka Gargaarka ee Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya oo ku hadlay magaca dowlad goboleedyada ayaa uga mahadceliyay dowladda gurmadka ay soo gaarsiisay, isagoo ballan qaaday in la gaarsiin doono dadkii loogu talo galay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *