Wasiirka Gaadiidka Soomaaliya oo beeniyay in Maamulka Hawada lagu celinayo gacmo Shisheeye- Video

Published: January 6, 2022

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Duran Axmed Faarax ayaa beeniyay war lagu faafiyay baraha bulshada kuwaas oo la xariira maamulka hawadda Dalka.

Wasiir Duran Axmed Faarax ayaa beeniyay in maamulka hawadda dalka lagu wareejiyay Shirkad gaar loo leeyahay taas oo fadhigeedu yahay Maraykanka.

XFS oo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ay masuul uga tahay maamulka hawadda uma qorshaysna in maamulka hawadda ay ku wareejiso shirkad gaar loo leeyahay, waana been abuur wararkaas lagu faafiyay baraha bulshada” ayuu Yiri Wasiir Duran Axmed faarax.

https://youtu.be/nEBK26Qozpo

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *