Puntland Oo Soo Dhowaysay Tallaabadii Uu RW Rooble Ku Raaligeliyey Imaaraadka

Published: January 7, 2022

War saxaafadeed kasoo baxay dowlada Puntland ayaa soo lagu taageeray tallaabada uu Raysal Wasaare Rooble raaligelinta uga bixiyey dhacdadii April 2018 lagula wareegay lacag ay laheyd dowladda Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale Puntland ayaa Imaaraadka Carabta uga mahadcelisay gargaarkii ay soo gaarsiiyeen dowladda Federaalka ee loogu tala-galay dadkii ay abaaraha saameynta ku yeesheen.

“ Puntland waxay soo dhoweynaysaa tallaabada uu Ra’iisal Wasaarahaha XFDS Maxamed Xuseen Rooble dib-ugu-saxayo siyaasadda arrimaha dibadda iyo xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashi ee Soomaaliya la leedahay adduunka intiisa kale. Waxaan boggaadineynaa garowsiyaha iyo raallingelinta Ra’iisalwasaaruhu ka bixiyey khaladkii  April 2018 lagula kacay Dowladda aynu walaalaha nahay ee Imaaraadka”

War-saxaafadeedka Puntland

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *