Puntland: Wasiiro iyo Wasiir Ku-xigeeno La Dhaariyey

Published: January 9, 2022

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta Wasiir iyo Wasiiro ku-xigeeno uu dhowaan magacaabay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Munaasabadda dhaarinta ayaa ka dhacday qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe, halkaasi oo Wasiirada cusub uu ku dhaariyey Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Nuur Ciise Maxamed , iyadoo uu Madaxweyne Ku-xigeenku goobjoog ka ahaa dhaarta dastuuriga ah .

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa Wasiirada cusub ee la dhaariyey kula dardaarmay in ay waajibaadka loo igmaday iyo masuuliyadda la saaray ay si wanaagsan u gutaan, isago alle uga baryey inuu xilka u fududeeyo masuuliyiintan cusub ee Xukuumadda kusoo biiray.

1- Rashiid Maxamuud Yuusuf, Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Puntland.

2- Khadar Faarax Maxamed, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud, Gadiidka iyo Guriyeynta Puntland.

3. Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dowladda Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *