Tahriibayaal ku xayirnaa dalka Liibiya oo Muqdisho lagu soo celiyay

Published: January 12, 2022

Muwaadiniinta la soo celiyay oo ka kooban 97- dhalinyaro ah, shan ka mid ah waa dumar kuwaasi oo muddo sanado ku xayirnaa dalka Libya ayaa soo deyntooda waxaa si wadajir ah isaga kaashaday Madaxa Ergayga Gaarka Xuquuqda Caruurta & Muhaajiriinta ah ee Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Wasaaradda arrimaha dibedda, Safaaradda Soomaaliya ee Libya iyo Xafiiska IOM,

Garoonka Aadan Cabdulle ayaa waxaa ku soo dhoweeyay Wasiirka arrimaha dibedda xukuumadda federaalka Cabdi Saciid Muuse, Wasiiru Dowlaha Amniga Farxaan Cali Axmed, Ergayga Gaarka ee Xuquuqda Caruurta Muhaajiriinta Xafiiska R/Wasaaraha Maryan Yaasiin, iyo saraakiil ka socotay Xafiiska Hay’adda IOM, UNHCR ee Soomaaliya halkaasoo ay qaar ka mid ah dhalinyaradu kula hadleen.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Cabdi Saciid Muuse Cali oo ka hadlay soo dhaweynta muwaadiniinta ayaa ku bogaadiyay in ay ka qeyb qaataan horumarka dalka.

Ergayga Gaarka Xuquuqda Caruurta iyo Muhaajiriinta ah ee Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa tan iyo 2018-kii waxay dalka dib ugu soo celisay in ka badan 2,5000  muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xirnaa xabsiyada wadamada caalamka.

Todobaadkani ayaa waxaa lagu wadaa in 100-muwaadiniin ah oo tahriibayaal ah dib loogu celiyo dalka kuwaasi oo laga keeni doono dalka Libya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *