Howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar

Published: January 14, 2022

Ciidanka guutada 3-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa howlgallo ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab waxay ka fuliyeen inta u dhaxeysa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe, gaar ahaa wadada xariirisa labadaas magaalo.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay wadadaas ka sifeeyeen nabadiidka Al-Shabaab, oo mararka qaar si dhuumaaleysi ah ku yimaan jiray.

War kasoo baxay Taliska Qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa lagu sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, si dhibkooda looga dul qaado dadka ku nool degaanada faro-kutiriska ah ee gobollada dalka ay uga dhuumaaleystaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *