Guddiga Xalinta Khilaafaadka Oo Doortay Guddoomiye Cusub

Published: January 20, 2022

Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka dadban ayaa maanta guddoomiyaha guddiga u doortay Maxamed Cawil Warsame kadib doorasho ka dhacay teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha cusub oo lagu doortay cod gacantaag ah ayaa waxaa tanaasulay musharaxii la tartamayey oo lagu magacaabo Mustaf Macalin Cali.

Dhowr cisho kahor ayey ahayd markii sidan oo kale teendhada Afisyooni lagu doortay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal  Muuse Geelle Yuusuf oo bedelay Guddoomiyihii hore ee Maxamed Xasan Cirro.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *