Madaxweyne Deni Oo Magacaabay Wasiirka Dekadaha iyo Wasiir Kuxigeenka Qorshaynta Puntland

Published: January 21, 2022

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wareegto uu soo saaray ku magaacabay wasiirka wasaaradda dekedaha Puntland iyo Wasiir kuxigeenka wasaaradda qorshaynta Puntland.

Hoos ka akhriso:

Madaxweynaha dowlada Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 003 ee 21ka January 2022 kuna magacaabid Wasiir, iyo Wasiir ku-xigeen ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80aad faqradiisa 5aad.

Marku arkay:  Aqoontooda, kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda    shaqo.

Markuu tixgeliyey:  Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Puntland.

Markuu garawsaday:  Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda.

Marku la tashaday:  Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

1-Waxaa Axmed Yaasiin Saalax loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dekeddaha & Gaadiidka Badda Puntland

2-Waxaa Xasan Cabdalle Xasan  loo magacaabay Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga.

*Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *