Jubbaland oo war kasoo saartay xaaladda gobolka Gedo

Published: February 10, 2022

Madaxweyne ku-xigeenka 1aad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa war kasoo saaray xaaladda gobolka Gedo.

“NIN ADDUUN JOOGOOW MAXAA ARAGTI KUU LAABAN”

“Waxaa Layaab leh Maanta oo Aan joogno Qarnigii 21-aad In umad leh Siyaasiin, Hoggaan dhaqameed, Aqoonyahanno, Cullamaa’uddiin, Dhallinyaro, Ganacsato iyo Haween In ay Af-duubaan 5 Shakhsi oo isugu jira Soomali iyo Ajnabi, Kaddibna ay ku hogaamiyeen waddo Mugdi ah oo horey Ka xiran.

Waxaan Halkaan kula Wadaagayaa umadda Soomaaliyeed, Reer Jubbaland Iyo gaar ahaan Shacabka reer Gedo, Muddadii Labada Sano Ahayd oo Aay Shakhsiyaadka Aan kor ku soo xussay Qorshaha Gurracan ka fulinayeen Khasaaraha Kasoo gaaray G/Gedo.

1. Amniga waxaa burburay Qorshihii dhismaha Booliiska 600 Oo Askari oo UN-ka gacan naga siinayeen kaas oo markii la dhisay Xaradii lagu tababari lahaa Lana diyaariyey macalimiintii iyo Gaadiidkii la keenay Dekedda Mombasa Nasiib darro ay burburiyeen kuwaa Aan soo sheegnay.

2. Arrimaha maamulka waxay hor istaageen dhismihii Golayaasha Deegaanka oo ay Dadweeynaha soo dooran lahaayeen si degma kasta u hesho horumar dhinac kasta leh sida kaabayaasha dhaqaalaha, Adeegga bulshada, Amniga, Garsoorka iyo miisaaniyad dheelitiran mashruucaan oo lafulin lahaa 2020 ilaa bilawgii 2021.

3. Garsoorka waxaa socday lana meel marin lahaa dhismaha Garsoorka Heer degmo iyo heer Gobol Oo ay wadeen Golaha Adeegga Garsoorka iyo wasaaradda Caddaaladda.

4. waxaa lafulin waayey Dhismihii Koleejka macalimiinta B/dhere Ee ka dhaxeeyey Jubbaland iyo Koonfur Galbeed iyo Jaamacaddii B/xaawo.

5. waxaa lafulin waayey Qorshaha hergelinta magaalooyin Casri ah (master plan) iyo sharciyeenta Dhulka.

6. waxaa lafulin waayay mashruuca dhismaha waddo laami ah oo isku xidho luuq iyo B/xawo.

7. waxaa meesha kabaxay Qorshe lagu sameyn lahaa biya Xireenno Togogga waa weeyn ee biyaha Wabiga ku dara xiliyada Roobka si looga gaashaanto biya la ‘aanta xilliga Abaaraha.

8. waxa Gabi ahaan 89% Gobolka ka joogsaday howlihii kala duwanaa Oo Aay wadeen Hay’adaha Samafalka waxayna u wareegeen Deegaannada kale ee Jubaland, Koofur galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug. Waayo Deeqbixiyeyaashu waxay ixtiraamaan Shuruucda Dalka u degsan.

9. waxaa xusid mudan Mashaariicdii horomarineed iyo kuwa Xaaladaha degdegga ah ee sanadihii 2017, 18 ilaa 2019 Loo qoondeeyey Dowladda Jubbaland, G/Gedo wuxuu ka helay 67.8% ka fiiri Sanduuqa Dhaqaalaha Soomaaliya (SSF).

10. ugu danbeeyn Maanta Gobolka Gedo waxaa 83% Saameeyn ku yeeshay Al-shabaab oo mucaahado lagalay Beelaha Gobolka Degan waxayna la wareegeen Garsoorka, dhaqaalaha iyo dhismaha madax dhaqameed, fullinta tababaro iyo waxbarashada Xagjirnimada.

Howlwadeennada ka Amar qaata shaqsiyaadka shanta ah waxay ku howlan yihiin Qaadista canshuuraha Ay xaq u lahayn maadaama aysan haysan wakiilasho Dastuuri ah Af la’ gaadada iyo Borobogaandada lagu jahawareerinayo shacabka mana Arkaan Xaaladda Bulsho, Amni, Siyaasadeed iyo Dhaqan Dhaqaale ee Gobolka kajirta. Walaala yaal maanta waan joognaa barito ma joogno aan kashaqeeyno wax adduun iyo aaqiraba noo wanaagsan, aan wada Noolaanno Annagoo kala aragti ah, aan wada hadalno oo Aan is qancinno” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aaden Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *