Guddiga qiimeynta xaaladda Deegaan doorashada labaad ee Jubbaland oo kulan la yeeshay Madasha Wadahadalka Soomaaliyeed

Published: March 1, 2022

Guddoomiyaha Guddiga Qiimeynta Xaaladda Deegaan Doorashada Labaad ee Jubaland ee Garbahaarreey mudane Cumar Maxamed Cabdulle ayaa la kulmay mas’uuliyiin ka socotay Madasha Wadahadalka Soomaaliyeed (Somali Dailogue Plattform) oo ay ka wada hadleen qorshe howleedka guddigan uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Guddoomiyaha Guddiga ayaa Madasha faahfaahin ka siiyay qorshe howleedka guddigan oo loo xilsaaray in uu ka soo talo bixiyo xaaladda deegaan doorashada Garbahaarreey, isagoo ka codsaday inay ku gacan siiyaan fulinta qorshe howleedkooda.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *