Jubbaland: Xubno ka tirsan Al Shabaab oo gacanta lagu dhigay

Published: March 9, 2022

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubaland, ayaa Gacanta ku soo dhigay xubno lagu sheegay horjoogayaashii kooxda Al Shabaab ee gobolka Jubadda hoose kadib dagaal ay kula wareegeen tuulooyinka hoostaga degmada Jamaame.

Intii ay Ciidamada howlgalka kujireen ayaa Cagta mariyeen gooba gabbaad u ahaa Maleeshiyaadka  Al Shabaab, halkaas oo loogu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiisha  hoggaamineysa Ciidamada ayaa sheegay inay dagaalka ku qabteen lix kamid ah Horjoogayaal sare oo ka tirsan argagixisada Al-Shabaab, sidoo kalena ay dileen 10 kale.

Sida ay sheegeen Ciidamada waxaay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka  Al-Shabaab illaa iyo inta ay ka saarayaan degmooyinka iyo degaannada ay weli kaga dhumaleeysanayaan Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada xoooga dalka Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa inta badan howlgallo Wadajir ah ka fuliya degaano iyo degmooyin kuyaalla gobolada Jubbooyinka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *