Sacuudiga oo duqeyn dhanka cirka la beegsaday Xuutiyiinta Yemen

Published: March 28, 2022

Diyaaradaha dagaalka ee dowlada Sacuudiga ayaa Axaddii shalay duqeyn ka geystay magaalada Sanca ee caasimada wadanka Yemen.

Duqeynta xoogeeda ayaa ka dhacday nawaaxiga Madaarka Sanca, iyadoo ay ciidamada Sacuudiga ku eedeeyeen xuutiyiinta ay goobtaasi dhigeen hubka wax lagu duqeeyo.

Sabtidii lasoo dhaafay ayey sidan oo kale diyaaradaha Sacuudiga u duqeeyeen magaalada dekada leh ee Xudeydah.

Sacuudiga ayaa weeraradan dhanka cirka ah uga jawaabaya duqeyntii Jimcihii lasoo dhaafay Xuutiyiinta la beegsadeen xarumaha Shidaalka ee Sacuudiga.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *