Shirka isku xirka howlaha laamaha hay’adda Socdaalka oo ka furmay Kismaayo

Published: March 29, 2022

Madaxweyne Ku-xigeenka Koobaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta ka furay Magaalada Kismaayo Shirka isku xirka Howlaha Laamaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo sedexdii bilba mar la qabto.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) oo ugu horeyn sharaxaad ka bixiyey ujeeddada shirkan, ayaa xusay in Shirkaani uu yahay shir sadexdii biloodba mar la qabto, isla markaana diiradda lagu saaro dhageysiga talooyinka Hay’adaha shaqa wadaaga la ah hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, waxqabadka, caqabadaha sedexdii bilood ee la soo dhaafay iyo ka doodista qorshaha shaqo ee sadexda bil ee soo socota.

Agaasimaha Guud ee HSJ, oo ka hadlayay waxyaabihii ka qabsoomay qorshaha sedexdii bilood ee la soo dhaafay ayaa carabka ku dhuftay in Hey’addu qabatay shaqooyin muhiim ah oo ay kamid yihiin Hirgelinta Xafiisyo cusub oo laga bixinayo adeegga Baasaboorka oo ay kamid yihiin Xafiisyada, Degmada Ceelbarde, Safaaradda Soomaaliya ee dalka Indonesia iyo dib u howlgelinta Xafiiska Baasaboorka degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Dhanka kale Agaasimaha ayaa xusay in sedexdii bil ee la soo dhaafay la furay Xafiiska ka jawaabista cabashooyinka, kaas oo 24 saac shaqeynaya, isla markaana looga jawaabo Cabashooyinka ka soo laabto adeegyada ay bixiso Hay’adda.

“Waxaan hirgelinay adeeg fariimo loogu dirayo muwaadiniinta la diiwaangeliyay codsiyadooda baasaboorka, kuwaas oo fariin ugu soo dhaceyso Teleefankooda gacanta marka uu baasaboorkoodu diyaar yahay, isla markaana ay soo doonan karaan” Agaasimaha Guud ee HSJ.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Jubbaland Mudane Cabdullaahi Dhubad Shiil, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu Hay’adda Socdaalka & jinsiyadda Soomaaliya kala soo qeybgalo shirkan Sedex biloodlaha ah oo ka dhacaya Magaalada Kismaayo.

Wasiirka ayaa sheegay in Laanta 2aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee deegaannada Jubaland ay wadashaqeyn fiican la leeyihiin.

Wasiirka Maaliyadda Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Xuseen Xersi Axmed oo shirka ka qeybgalay ayaa sheegay in Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ay tahay Hay’ad soo xareyao dakhli, Saraakiisha ka howlgalana ay yihiin saraakiil ku sifoobay shaqo wanaag iyo hufnaan taas oo keentay in ay si dhow ula shaqeeyaan Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland.

Wasiirka Amniga Jubbaland Amniga Jubaland General Yuusuf Xuseen oo ka hadley shirka, ayaa bogaadiyay wadashaqeynta hagaagsan ee ka dhaxaysa hay’adda iyo maamul Goboleedka Jubbaland, wuxuuna madaxda iyo howlwadeennada hay’adda kula dardaarmey in ay sii hormariyaan hababka wadashaqeynta iyo fududeynta adeegyada.

Madaxweyne Ku-xigeenka Koobaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamud Sayid Aadan oo shirka furay ayaa ayaa bogaadiyay in shirkaan lagu qabto Magaalada Kismaayo, isagoo sheegay in adeegga Baasaboorka laga soo bilaabay hal dagmo iminkana ay Hay’adda ka howlgasho inta badan degmooyinka dalka taas oo fududeysay in adeegga loo dhaweeyo dadweynaha Soomaaliyeed ee ku kala sugan Degmooyinka uu ka kooban yahay dalka.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa kula dardaarmay madaxda Hay’adda in halkaasi ka sii wadaan shaqada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed
.
Sidoo kale shirku intuu socday waxaa hadalo ka soo kala jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose Mudane, Cabdirashid Cabdullaahi Cali, Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, Maareeyaha Garoonka Kismaayo Mudane Cabdullaahi Aadan Maxamud iyo Guddoomiyaha Dhalinyarada Jubbada Hoose Mudane Axmed Maxamed Taqal oo dhamaantood xusay in wada shaqeynta HSJ iyo Hey’adaha ay madaxda ka yihiin ay heer sare tahay, isla markaana ay sii joogteym doonaan wadashaaeynta kala dhaxeysa.

Ugu dambeyn Shirka oo socon doona mudo labo maalmood ah , waxaa gelinkii dambe ee maanta warbixino shaqo looga dhageystay Agaasime waaxeedada HSJ, kuwaas oo markii dambe ka wada dooday shaqooyinka Hey’adda, caqabadaha jira, horumaradii la sameeyay Sadexdii bilood ee la soo dhaafay iyo qorshayaasha u degsan Hay’adda ee la doonayo in la fuliyo sadexda bilood ee soo socota.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *