Isku-shuban: Soo Dhowayntii Boqor Burhaan iyo Wafdigiisa

Published: April 1, 2022

Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo wafdi ballaaran uu hogaaminayo oo maalintii labaad socdaal ku maraya deegaanada iyo degmooyinka gobolka Bari ayaa maanta gaaray degmada Isku-shuban.

Wafdiga boqorka oo isugu jira Xildhibaano, Isimo, Nabadoono, Waxgarad iyo masuuliyiin kale ayaa waxaa soo dhowayntooda kasoo qaybgalay maamulka iyo bulshada degmada Isku-shuban oo sida caleemo-qoyan.

Boqor Burhaan oo la hadlay masuuliyiintii iyo shacabkii kusoo dhoweeyey Isku-shuban ayaa ugu horeyn u mahadceliyey, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay imaatinka dhulkii saldanada.

Sidoo kale boqorka ayaa sheegay inuu waqti fiican la qaadan doono bulshada Isku-shuban.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *