Ciidamada Israel ayaa saddex Falastiiniyiin ah ku dilay Daanta Galbeed ee dhulka la heysto

Published: April 2, 2022

Ciidamada ammaanka ee Israa’iil ayaa saddex nin oo Falastiini ah ku dilay Daanta Galbeed ee la haysto, sida uu sheegay booliiska Israa’iil.

Booliiska Israa’iil ayaa sheegay in raggan ay hubeysnaayeen oo “lagu dilay israsaasayn”, arooryadii hore ee saaka.

“kooxdan waa unug argagixisa ah oo ku lug lahaa falal argagixisanimo oo ka dhan ah ciidamada ammaanka dhawaanahan, waxayna u muuqatay inay u socdeen fulinta weerar kale,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay bilayska maanta oo Sabti ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *