Dhismaha Dekadda Bosaso Goorma yaa la Bilaabayaa?

Published: April 4, 2022

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku sugan dalka Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu gaarey todobaadkii hore.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Dubai kulan kulaa qaatey Madaxa shirkadda DP-World ee Bariga Dhexe iyo Afrika Suhayl al-Banna, waxaa kulanka Madaxweynaha ku weheliyey Wasiirka Dekadaha iyo gadiidka Badda Axmed Yaasiin iyo Xassan Cabdullaahi Deni oo la dhashey Madaxweynaha.

Sida lagu daabacay booga rasmiga ah ee madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri:

Madaxweynaha ayaa kulan mirro dhal ah la qaatay Suhail Al Banna oo ah Masuulka DP-WORLD u qaabilsan Bariga dhexe iyo Africa, waxaana la isla gaaray in sida ugu dhakhsiyo badan loo billaabo Balaarinta iyo Dhismaha Dekadda Boosaaso.

Madaxweynaha Puntland ayaa horey u sheegay in meesha laga saarey shirkaddii P&O-Ports oo ahayd shirkad ay iska leedahay DP-WORLD, lana sameeyey shirkad cusub oo ay Puntland qayb ku leedahay dhawaana degdeg loo bilaabayo dhismaha dekadda.

Duqii hore ee Bosaso Yaasiin Mire Maxamuud ayaa sheegay in uu hayo war sheegaya in lagu wareejiyey dekedda Bosaso shirkad cusub oo Sub-contract u ah DP-World oo ay lee yahiin Xassan Deni iyo Muwadin u dhashey dalka Imaraadka, Duqii hore ee Bosaso ma keenin wax uu ku xoojin karo warkaas. Shirkadda cusub ee Madaxweyne Deni ka sheegay degmada Waaciye bishii Febaraayo ayaan faahfaahin laga hayn, magaceeda ityo sharciyadda ay kula wareegayso,

Heshiiska lagula wareegay Dekadda Bosaso waxaa ka soo wareegay shan sano mana jirto wax isbeddel ah oo dekadda lagu sameeyey tan iyo markaas ama hal qodob oo ka fuley heshiiskaas.

Isimada Gobolka Bari ayaa ku dhawaaqey in dekadda ay maalgashtaan ganacsatada Soomaaliyeed, lana buriyo heshiiskii hore, Madaxweynaha Puntland ayaa codsadey in la siiyo muddo laba bilood ah oo dhismaha dekaddu ku bilaameyso.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *