Shil Sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay, meel ku dhaw Qardho

Published: April 4, 2022

Inta la xaqiijiyey laba qof ayaa dhintay halka afar kalana ay dhaawacmeen ka dib shir gaari oo saakay ka dhacay degaan lagu magacaabo Yaka-Yaka oo ku taal duleedka magaalada Qardho ee caasimada gobalka Karkaar, Puntland.

Shilka gaari ayaa yimid ka dib markii ay isku dhaceen laba gaari oo kuwa xamuulka qaada ah taas oo sababtay dhimashada iyo dhaawaca sida ay xaqiijiyeen Taliska Ciidanka Ilaalada Wadooyinka Puntland.

Shilkan ayaa kusoo beegmay xili ay maanta bilaabaneyso dhismo laga wado buundooyinka muhiimka ah ee gobalka Karkaar iyadoo la xiray qeybo kamid ah wadada isku xirta Qardho iyo Bosaaso.

Shilalalka gawaarida xamuulka ah waa kuwo soo badanaya, waxaana sababa dareewal xumo, dhir badan oo ka baxdey hareeraha laamiga, iyo mararka qaarkood gawaarida oo god yar ay ka leexanayaan uga baxa seedkooda.

Ciidamada Booliska taraafikada ayaa gaarey goobta, dadkii dhaawaca ahaana waxaa la keenay magalada Qardho.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *