Zelensky: Xasuuqa Ruushka wuxuu kasoo bilaabay Somalia, Afghanistan, Yemen, Libya iyo Siiriya

Published: April 6, 2022

Madaxweynaha Ukraine Zelensky oo khudbad xamaasadleh kasoo jeediyey Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa codsaday in Beesha Caalamka tilaabo ka qaado Ruushka iyo xasuuqa uu ka geystay dalkooda.

“…Ruushka wuxuu awooda VETO ee uu ku leeyahay Qaramada Midoobay u bedalay Awood uu ku geysan karo xasuuq goob walba uu doodno..”

Madaxweyne Zelensky

Wuxuuna sheegay in ay ahayd mar hore in la joojiyey xasuuqa Ruushka uu caalamka ka wado laga soo bilaabo Somaaliya illaa Siiriya oo ugu danbeysay, isagoo ulla jeeday dagaalkii 1977 ee uu Ruushka ku burburiyey cududii ciidamadii Soomaaliya ee dagaalka kula jiray Itoobiya.

Xasuuqan kama duwan wixii ay geysteen ISIS falkana waxa ku kacaya waa xubin kamid ah Golaha Amaanka (Ruushka), ayuu yiri Zelensky oo sheegay inay hayaan cadeynmo buuxa.

Hadii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay uusan xaqiijin karin Amniga Caalamka, waxay su’aasha noqoneysaa muxuu Golahan u jiraa ama qabtaa? Maa la kala diro?, ayuu yiri Madaxweynaha Ukraine oo ka codsaday Qaramada Midoobay inay tilaabo ka qaado Ruushka.

Waxaase adkaan doonta in Ruushka oo leh awooda VETO laga saaro Golahaasi maadaama uu kamid ahaa dalalkii ku guuleystay dagaalkii 2aad ee Adduunka kahor intaan la dhisin golahaasi. Waxaa horey u fashilay dadaalo la doonayey in lagu balaariyo xubnaha golahaasi.

Kulankii shalay gelinkii danbe ay yeesheen Golaha Amaanka ayaa waxaa sidoo kale furitaankii khudbad kasoo jeediyey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo ka digay saameynta uu dagaalkan ku yeelan doono Tamarta iyo cuntada caalamka oo hada wada la tacaalaya sicir-bararka wada gaaray.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *